WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Muqdisho dib ugu soo celisay Gabar xabsi dheer lagu xukumay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay Gabar Soomaali ah oo dowladda Kuwait u xirneyd, taasi oo lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, sida uu shaaciyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in dadaad dheer oo ay sameeysay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo deynta gabadha oo lagu magacaabo Faaduma Cabdullaahi Samatar, kadib markii Amiirka Kuwait uu kala bar xukunka gabadha ka cafiyay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu matalayay ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa Faaduma Cabdullaahi kula wareegay Garoonka diyaaraddaha e Aadan Cadde, waxaana uu ugu dbiyay Xarunta Denbi Baarista Dalka ee CID si arrinkeeda sharciga loo waafajiyo.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an in dhammaan dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniinta ku xiran daafaha caalamka, waxaana jira dadaalo ku aadan arrintaas oo uu wado xafiisku” ayaa lagu yiri Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Dowladda Somalia oo Muqdisho dib ugu soo celisay Gabar xabsi dheer lagu xukumay
To Top