WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Mareykanka kala hadashay Arrinta Deyn Cafinta iyo taageero

Wasiirka Maaliyadda XFS, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa magaalada Washington kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda maaliyadda Mareykanka iyo Waaxda arrimaha dibeddda, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, barnaamijka deyn cafinta iyo taageerada dhanka soo kabasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda dhammaystirka doorashada dalka si loo sii xoojiyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee socda iyo si loo gaaro dhammaystirka barnaamijka Deyn cafin Soomaaliya marka laga gaaro barta dhammaystirka (Completion Point-ka).

“Waxa aan Washington kulamo kala duwan kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha dibedda iyo Hay’adda gargaarka ee USAID.

Waxa aan diiradda wadahadalka ku saarnay arrimo ku saabsan dadaalada Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta iyo hufnaanta hanaanka Maamulka Maaliyadda dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Mas’uuliiyiinta ka socday Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ballanqaaday in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan horumarka dhaqaalaha iyo sii wadid arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka tirsan Hey’adda horumarinta calaamiga ah ee USIAD oo Soomaaliya ka fulisa mashaariic kala duwan oo dhanka dowlad wanaagga, Waxbarashada iyo shaqa abuurka.

Dowladda Somalia oo Mareykanka kala hadashay Arrinta Deyn Cafinta iyo taageero
To Top