WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo mar kale kamid noqotay Gole ka tirsan Q/Midoobay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale loo doortay in ay kasii mid ahaato Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay laga bilaabo sanadka 2022 ilaa laga gaaro sanadka 2024.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ku guuleysatay aqlabiyad aad u badan, isla markaana waxaa ay heshay 171 Cod, kadib codeyntii  193-da xubnood ee ka tirsan Golaha Guud Qaramada Midoobay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay dowladaha xubnaha ka ah Golalaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, kadib markii ay Ergadda Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Magaalada New York ay sameeyeen dadaalo kala duwan.

Ergadda dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay ballanqaadkii dhiirigelinta & ilaalinta xuquuqda aadanaha ee heshiiska ummadda ka dhaxeeya.

Dowladda Somalia oo mar kale kamid noqotay Gole ka tirsan Q/Midoobay
To Top