Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caro weyn ka muujisay Warbixin uu soo saaray Guddi ka tirsan Midowga Afrika oo looga hadlay xaalada dalka.
Warbixintan oo ka hadleysa xaaladda Siyaasadda, Amiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa bishii May loo gudbiyey madaxda sare ee Midowga Afrika.
Guddigan ayaa sheegay in dhinaca siyaasadda ay Soomaaliya gashay qalalaasho iyo heshiis la’aan 4-tii Sano ee uu Madaxaweynaha ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Caqabadda aasaasiga ah ee xasilinta waxay ka imaaneysaa fashilaadda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee xallinta dib-ueegista dastuurka, arrimaha & wadaagga kheyraadka” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga Midowga Afrika.
Qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta Doorashada waxay Soomaaliya qarka u saareen Amni darro iyo iney dib ugu laabato dagaal sokeeye.
Dowladda Federaalka ayaa Maanta kulan ka yeelatay Warbixintan, waxaana Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble lagu sheegay in dowladda Qoraal rasmi ah kasoo saari doonto Warbixinta.