Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi oo haatan ku sugan magaalada Beled-xaawo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidisay dhalinyarada ay hubeysay Kenya ee haatan ku sugan dhinaca Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
Taliye Biixi ayaa ugu baaqay dhalinyaradaasi inay dib ugu soo noqdaan magaalada Beled-xaawo, isaga oo u ballan qaaday in dowladdu ay ka war heyn doonto.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay waalidiinta dhalinyaradaas inay dib ugu soo celiyaan deegaankooda, si loo bad-baadiyo mustaqbalkooda, isagoo faray inay ka faa’iideystaan Cafiska.
“Annaga diyaar uma nihin in dagaal aan galno, ma dooneyso in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, Waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno,” ayuu yiri taliyuhu.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay qof walba waajib ku tahay difaacida madax banaanida dalka iyo jiritaaka qaranimada Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya ay horey ugu eedeysay Kenya inay jabhado ku hubeyneyso dhanka magaalada Mandera, si ay u soo weeraraan Beledxaawo.