WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo si kulul u Cambaareysay weerarkii Al-shabaab ee Xerada Xalane

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u Cambaareysay weerarkii nasiib darrada ahaa ee hoobiyayaasha lagu bartilmaameedsaday xarunta shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimo Xalane ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in weerarada Argagixisada in aysan marnaba niyad jebin doonin walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalkeenna.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka.

SOMALI NEWS

To Top