WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo sheegtay inay howlgal ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa AS

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab iyo xubo kale ayaa xalay ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar howlgal ku qaadeen goob uu ku sugnaa Sarkaalka.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in saraalka la dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Shire, isla markaan Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Taliska CXD.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas kusii daray in Sarkaalka lala dilay 13  dagaalame kale, kuwaasi oo la tilmaamay inay qorsheynayeen dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, balse Ciidanka dowladda oo xog ay ka hortageen.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Janaale ku dilay Horjooge Maxamed Nuur Shire oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose iyo 13 dhagarqabe oo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagar ay u soo maleygayeen shacabka ku dhaqan deegaanka Janaale” Ayaa lagu yiri qoraalka

Weerarkan lagu dilay Sarkaalka sare ee Shabaab ka tirsana iyo 13-ka xubnood ee ilaaladiisa ka midka aheyd ayaa kusoo beegmaya xili shalay dagaalo saacado badan qaatay oo geystay khasaare kala duwan, islamarkaana guulo ka kala sheegteen dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dowladda oo sheegtay inay howlgal ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa AS
To Top