WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo shaacisay in qaabka loo shirqoolay Nabaddoono lagu dilay Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS  ayaa cambaareysay falkii Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsatay kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada  caan ka ahaa Gobolka Hiiraan.

1- Nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

2- Nabadoon Mukhtaar Xaaji

3- Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, sidoo kalena lagu dhaawacay  Nabaddoon Axmed Xasan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in falkaan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay Al-shabaab u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa Al-shabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wadada miino u geliyeen gaari ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay  Al-shabaab askareeyaan.

Dowladda ayaa tacsi dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen,  waxayna ku baaqday in meel looga soo wada jeesto cadowgaas aan diin iyo dhaqanba xushmeyneyn, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda oo shaacisay in qaabka loo shirqoolay Nabaddoono lagu dilay Hiiraan
To Top