WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo gacanta ku dhigtay Gaari laga soo buuxiyay walxo Qarxa

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa sheegay in ay degaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ku qabteen Gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomay oo qaraxyo lagu soo raray.

Gaariga miinaysan ayaa lagu qabtay tuulada Cad-cadeey oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidanka Dana boo la hadlay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha ayaa sheegay in Gaariga Qaraxyada sida la doonayay in lagu weeraro shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobollada Shabeellooyinka.

Sidoo kale waxay Qaraxyadan ku eedeeyeen ururka Al-shabaab inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin Arrintaas, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale gaadiid laga so buuxiyay waxyaabaha qarxa loogu qabtay Shabeellaha Hoose.

SOMALI NEWS

To Top