WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo 22 saac kadib shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Hotel Rossa & khasaaraha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in galabta lasoo afjaray weerarkii kooxda Al-Shabaab ay fiidkii hore ee xalay ku qaatay hoteelka Rays oo ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska dowladda Federaalka oo warbaahinta kula hadlay gudaha hotelka ayaa sheegay in ciidanka ay toogasho ku dileen 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo weerarka soo qaaday, halka mid kalena uu is qarxiyey

Afhayeenka ayaa tilmaamay in lagu guuleystay in la soo badbaadiyo dad badan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira kusaasoo ku sugnaa hoteelka xiliga la weerarayay.

Inkabadan 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkan oo noqonaya kii 3aad ee culs oo Shabaab ka geysato caasimada, weerarkan waxaa ka horeeyay kii Xayaat Hoteel ee dhacay bishii August iyo weerarkii Zoobe.

Dowladda oo 22 saac kadib shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Hotel Rossa & khasaaraha
To Top