WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Shaqaalaheeda fasaxday iyo sababta keentay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ku wargelisay inay fasax yihiin maalinta Isniinta oo taariikhu ku beegan tahay 18-ka bishaan Octoober.

War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in sababta shaqaalaha loo fasaxay tahay in maalinta Isniinta ay ku beegan tahay 12-ka Bisha Mowliid ee Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH).

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa shaqaalaha iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka Bisha Mowliid ama Rabiicul Awal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad kasta marka la gaaro 12-ka bisha Mowliid  shaqaalaha dowladda iyo iyo kuwa gaarka u fasaxda weyneynta munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Dowladda Soomaaliya oo Shaqaalaheeda fasaxday iyo sababta keentay
To Top