Muqdisho (HM) – Waxay u muuqataa in dowladda federaalka iyo shacabka Muqdisho ay ugu dambeyn isugu yimadeen go’aan ah in aan wax laga qabin karin amniga Muqdisho, oo aysan jirin wax rajo ah. Markii horeba shacabka waa ay qabeen taas, balse waxaa hadda muuqata in dowladda ay kusoo biirtay.
Toddobaadyadii dhowaa amniga faraha ayuu kasii baxay. Qaraxyada ayaa noqday kuwa is-daba joog ah oo ugu yaraan laba ayaa dhacaya asbuucii, halka dilalka qorsheysan ay yihiin kuwa maalin kasta dhacaya.
Dowladdii oo markii hore looga bartay marka qarax uu dhaco inay raaciso ballan-qaad amni oo aan natiijo lahayn, cambaareyn iyo tacsiyeyn, ayaa hadda lag waayey intiiba, oo ahaa waxa kaliya ee shacabka ay ku niyad dhisan jireen.
Bal dib u fakar, oo xusuuso markii kuugu dambeysay oo aad maqasho madaxda dowladda oo cambaareynaya qarax, kii ugu dambeeyey shalay uu dhacay. Goorma ayuu ahaa ballan-qaadkii ugu dambeeyey ee wax ka qabasho amni oo aad maqasho? Ma maqashay maalmahan shacabka dhibban oo xitaa tacsi loo dirayo?
Waxaa cad in ugu dambeyn dowladda ka rajo dhigtay Muqdisho, ama garowsatay inay tabarta u dayrisay oo aysan lahayn awood ay wax uga qabato amniga faraha kasii baxaya.
Hay’adihii amniga ee qaabilsanaa sugidda amniga ayaa ayagana u muuqda in shaqadoodii ay gabeen. Si gaar ah, hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee NISA, oo qaabilsan uruurinta xogta Shabaab, si qaraxyada looga hor-tago ayaa u muuqata inay iska seexatay.
Agaasimaha aan rasmiga ahayn ee hay’adaas, Fahad Yaasiin ayaa in ka badan laba toddobaad dalka ka maqan isaga oo ku sugan magaalada Nairobi. Haddii howshiisa qof kale uu qaban lahaa, hay’adda ma lahan agaasime ku xigeen, oo Fahad ayaa ah agaasime ku xigeenka, balse maadaama uusan agaasime jirin xilka sii haya.
Sida muuqata, Fahad oo xilka agaasimaha si aan rasmi ahayn u haya ku dhowaad shan bilood, ayaa xilkan sii hayn doona maadaama aysan muuqan ama qorshuhu ahayn in qof ka sareeyo la magacaabo, isagana aan xilkan loo magacaabi karin sabab ay doontaba ha ku timaadee.
Dhinaca kale, ciidamadii dhar cadka NISA ee lagu beedelay kuwii hubeysnaa ayaa u muuqda inaysan wax macno ah oo badan kusoo kordhin amniga magaalada.
Arrimahan oo dhan ayaa imanaya ayada oo NISA ay sanadkan heshay miisaaniyaddii ugu badneyd abid ee dowladda ay u qoondeysay oo ah 12.5 milyan oo dollar. Kaalay sheeg waxa intaas oo lacag ah lagu qabto.
Si kasta oo aad u eegataba waxaa muuqata in dowladda ay ka rajo dhigtay Muqdisho. Allaa u maqan shacabka magaalada.