WARARKA SOOMAALI

Dowladda Eritrea oo diiday in ay Xidhiidhka u jarto Dalka Qadar,kadib codsi uga yimid Sucuudiga

Dowladda Eritrea ayaa iska diiday inay xiriirka u jarto dowladda Qatar, kaddib codsi uga yimid Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Eritrea oo ay musliimiin badan ku nool yihiin, isla markaana luqada carabiga ka mid ah kuwa looga hadlayo ayaa waxay ku gacan seyrtay inay ku biirto dalalka xiriirka u jaray dalka Qatar.

Sacuudiga ayaa dalal badan ku cadaadinaya in xiriirka loo jaro dalka Qatar, waxaana wafdi heer sare ah oo taageero u raadinaya arrintan loo diray wadamo dhowr ah.

Isniinii ayay aheyd markii Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen dalka Qatar, kalana soo baxeen safiiradooda, iyagoo ku eedeynaya inay taageerto Argagixisada.

Sidoo kale dalalka Maldives, Mauratania, Libiya, iyo Yemen ayaa ku biiray, xiriirkana u jaray dowladda Qatar, halka dalka Jabuuti uu hoos u dhigay xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Qatar.

Dalka Senegal oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa u yeertay Safiirkii u joogay magaalada Doxa, si uu wada tashi ula yeesho.

Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa hada go’doomin ganacsi iyo mid siyaasadeed ku wada Qatar, waxaana Sacuudiga uu joojiyay wixii raashin ee Qatar yaallay.

SOMALI NEWS

To Top