WARARKA SOOMAALI

Dowladda Dhaxe ee Itoobiya oo ka hadashay dagaaladii Liyuu Boolis & Al-shabaab

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay dagaaladii dhawaan dhexmaray Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka dhacay deegaano ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Soomaali galbeed ay Al-shabaab uga adkaadeen dagaaladii ay la galeen, isla markaana Shabaabka khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay deegaano ka dhaca Hiiraan.

Itoobiya ayaa sheegtay in Al Shabaab lagu jabiyay duullaankii ay kusoo qaadeen Itoobiya, waxaana warka lagu sheegay in Al Shabaab laga dilay in ka badan 280-dagaalyahana kuwa noolna laga qabtay.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa warka kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in Al Shabaab dagaalka intii uu socday lagala wareegay hub aad u badan iyo sidoo kale lagala wareegay inta badan qalabkii isgaarsiinta.

Dowladda Dhaxe ee Itoobiya oo ka hadashay dagaaladii Liyuu Boolis & Al-shabaab
To Top