WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa sheegay iney soo gabagabeeyeen diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta shan ka mid ah Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka Hoose, hayeesha maanta la qabanayo laba kursi oo ay soo hormariyeen doorashadooda.

Kuraasta la filayo in doorashadooda bilaabato ayaa kala ah tirsigooda HOP 26 iyo HOP 104, kursiga koowaad ee HOP 26 waxaa horay igu fadhiyay Xildhibaanada lagu magacaabo Ikraan Aadan Absuge, kursiga labaad ee HOP 104, isna waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana Ciidamo la dhigay waddooyinka soo gala Xarunta lagu qabanayo doorashada dhaceysa.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb
To Top