WARARKA SOOMAALI

Doorashada Aqalka Sare oo bilaabaneysa iyo Guddiga Doorashada oo gaaray…

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa dib ugu laabtay Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la magacaabay, xili muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka iyo qeybaha Bulshada, waxaana intaas kadib loo gudbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Hergalinta dooradhooyinka KGS ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Nuuradiin Ibraahim Aadan ayaa ka hadlay ujeedka Safarkooda ee Baydhabo iyo howlihii usoo qabsoomay.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Nuuradiin Ibraahim oo si kooban warbaahinta ula hadlay inay dhawaan bilaabi doonaan arrimo ku aadan dardar-gelinta qabsoomida doorashada, xili uu muran taagan yahay.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku qaatay tababaro ku aadan habraaca doorashooyinka iyo sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada labada Golle ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaannada maamulkaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa horey u sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay qabashada doorashada oo waqtigeeda ku dhacda, xili weli Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta ay ku muransan yihiin.

SOMALI NEWS

To Top