WARARKA SOOMAALI

Duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Qaraxyo farsameynayay

Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeyn dhanka cirka ka fuliyay tuulada Mukayle oo galbeed ka xigta magaalada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday garaash ay yaallaan waxyaabaha qarxa oo ay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay halkaas ku farsameynayeen, isla markaana duqeynta ay geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo soo xigatay saraakiil ciidan ayaa ku warrantay in duqeyntii ka dhacay tuulada Mukayle lagu dilay dagaalyahano badan, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha jira.

Dawladda ayaa waxay sheegtay in hawlgalkan ay wada fuliyeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka, taasi oo inta badan iftiminaysa in dhinaca cirka laga saaciday ciidamada dawladda.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Burde ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday dhul howd ah oo ay isku aruursanayeen dagaamayaal katirsan Al-Shabaab, isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyay.

Duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Qaraxyo farsameynayay
To Top