WARARKA SOOMAALI

Diyaaradda Masar oo Duulimaad toos ah ka bilaabeysa Muqdisho

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda duulista dowladda Masar ayaa lagu shaaciyey in diyaaradda Air Egypt ay dalka Soomaaliya ka bilaabeyso Duulimaad ay todobaadkii laba Maaalin ku imaaneyso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dowladda Masar ayaa bayaanka ku shaacisay in 11-July la bilaabi doono duulimaadyada Soomaaliya, waxaana uu noqon doonaa Qaahira, Jabuuti, Muqdisho.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Masar Cali Cabdi Awaare ayaa soo dhaweeyey Bayaanka ka soo baxay Xukuumadda Qaahira, isagoo sheegay in talaabadan ay tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar.

Wuxuu intaas kusii daray Safiir Cali Awaare oo sidoo kalena ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare in duulimaadka ay bilaabeyso diyaaradda Air Egypt uu yahay fursad ay ka faa’ideysan doonaan shacabka labadda dal.

Shirkadda diyaaradaha EgyptAir ee dalka Masar ayaa jadwalkeeda hordhaca ah lagu qorsheeyay iney todobaadkii labo jeer duulimaadyo ku gaarto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Diyaaradda Masar oo Duulimaad toos ah ka bilaabeysa Muqdisho
To Top