WARARKA SOOMAALI

Diyaarad dhaawacyo wadda oo ka degtay Magaalada Muqdisho-Akhriso

Muqdisho (HM) –Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha ay kasoo dagtay diyaarad siday dhaawacyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhaawacyada laga dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa gaadhayey illaa 15 askari oo la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaal Shalay dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Abal oo 18km u jira Magaalada Xudur ee Gobolka Baay.

Dhaawacyada laga soo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ay aad u daran tahay xaaladooda Caafimaad.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Abal oo ahaa mid aad u culus isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aad u badan uu soo kala gaaray ciidamadii dagaalay ee ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhaawacyada laga soo dajiyey Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay inay dagaalka ka dhacay Abal ku dishay illaa 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna sheegtay inay ku dishay 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ay ku jiraan saraakiil  ay sheegeen in lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top