WARARKA SOOMAALI

Dil naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin laga helay

Kooxo hubeysan ayaa saaka aroortii hore haweeney la shaqeyneysay maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen qeybo ka mid ah gudaha degmadaasi.

Haweeneyda oo magaceeda lagu soo koobay Suldaano ayaa la sheegay inay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmada Kaaraan, sida ay xaqiijiyeen Ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey dilkeeda oo ku hubeysnaa bistoolado ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada, kuwaasi oo aan la aqoosan waxa ay ahaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheydgoobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, in kastoo aan lagu guuleysan in la qabto dadkii falkaas ka dambeeyay.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku toogteen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi.

SOMALI NEWS

To Top