WARARKA SOOMAALI

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dalka oo Maanta eg

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa Maanta oo talaado ah soo gaba-gabeynaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa  doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada oo Axadii bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 30 Musharax oo isku soo sharaxday qabashada xilka Madaxweynaha dalka, kuwaasi oo la siiyay shahaadada Musharaxinmo ee xilka Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sidoo kale Maanta diiwaan-gelinaya Musharaxiin kale oo dooneysa inay u tartamaan doorashada dhaceysa, waxaana la filayaa inay diiwaan-geliyaan Musharaxiin uu jiro Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax Madaxweyne.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayey Guddiga doorashada u diiwaan-geliyeen tartanka doorashada Madaxweynaha.

15-ka bishaan May 2022 ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni ka dhacdo doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dalka oo Maanta eg
To Top