Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo Naxdin leh oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday xaafad ka tirsan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, kadib markii halkaas uu isku daldalay wiil dhalinyaro ah.
Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan Burco ayaa tegay goobta uu Wiilka isku daldalay, iyagoona halkaas ku arkay Wiilka oo geed kasoo laad-laada, uuna qoorta ugu xiran yahay xarig, isla markaana soo qaaday Meydka
Laamaha Booliska Somaliland ayaa Meydka geeyay Isbitaalka Magaalada, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay in wiilka oo kamid ahaa dadka deegaanka is dilo.
Dhacdooyinkaan ayaa kusoo laab laabtay degaanada Somaliland, waxaana jira dhowr jeer dhowr qof oo isku daldalay degaanada maamulka Somaliland iyo deegaano kale oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.
Qoyska iyo Ehelada Marxuumka ayaa ka naxay dhacdada uu wiilkooda isku daldalay, waxaana falkaas siweyn u hadal haayo dadka deegaanka Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo qaarkood ka naxay.