WARARKA SOOMAALI

DFS oo Berrito hakisay Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho & Wufuud soo wajahan 

Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay maalinta berri ah duulimaadyadii shacabka ee garoonka Aadan Cadde, sababo la xiriira wufuud ka kala socda Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo dalka imaanaya.

Madaxda imaaneysa waxaa ugu sarreeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halka la filayo Kenya inuu ka yimaado wasiirka Difaaca Kenya Aaden Barre Ducaale, halka Itoobiya uu ka imaan doono madaxweyne Mustafa Cagjar

Wufuudan ayaa ka qayb gelaya furitaanka Xarunta Akadeemiyada Af-soomaaliga ee laga dhisay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay xiraan inta badan waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, taasi oo shacabka caasimada caqabad ku noqoneysa.

 

DFS oo Berrito hakisay Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho & Wufuud soo wajahan 
To Top