Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo xidhay Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex maalmood ka socday xarunta Jaamacadda PSU ee magaaladda Garoowe.
Madaxweyneoo xidhitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qeybgalayaasha Shirka sida ay usoo ajiibeen, waxaana uu sharaxay ujeedka shirkan wadatashi.
“Shirkan Shir wadatashi ayuu ahaa Puntland cidna ka caban mayso cidna u caban mayso, waxaa ay ka tashanaysa danaheeda Puntland, waxay wax ka talinaysa danaha Soomaaliya, waxay wax ku biirinaysa ummada Soomaaliyeed wanaagooda iyo horumarkooda, waxaan dhegaysanaynaa cidkastoo naga feker duwan, waxaana jecelnahay khilaafkasta oo dadkale oo reer Puntland aheyn wadahadal iyo isqancin inaan ku gaarno oo xabad iyo qori aan meel lagu gaari Karin” ayuu yidhi Deni.