Muqdisho (HM)-Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa looga hadlay eedeyntii ay dowlada Kenya u soo jeedisay dowlada Soomaaliya ee ahayd in ay dooneyso in ay boobto dhul badeed ay dowlada Kenya leedahay.
Qoraal ka kooban labo bog oo wasaarada Arrimaha Dibadda soo saartay ayaa lagu sheegay inaysan dowlada Soomaaliya ku xadgudbin dalka Kenya ayna suuqgeyn bad ama dhul ay leedahay dowlada Kenya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ka xuntahay sida ay dowlada Kenya ula dhaqantay Safiirkii Soomaaliya ka joogay dalka Kenya oo ay u qabatay muddo 24saacadood ah iyadoo aan si rasmi ah ugu soo wargelin dowlada Soomaaliya.