WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Qarax Xoogan oo ruxay Quluubta iyo Dhagaha Shacabka Muqdisho oo hada ka dhacay agaa Madaxtooyada Khasaaraha oo aan wali….

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow qarax xoogan laga maqlay Taalada Xaawo taako halkaas oo la soo sheegayo in khasaaro xoogan uu ka dhashay.

Meesha sida gaarka ah uu qaraxa uga dhacay waa inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka qaranka oo labadooduba ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya

goobta uu ka dhacay waxa ay aheyd Barkoontorool oo ciidamadu ay ku joojiyaan gaadiidka laguna baaro sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu jiro khsaare dhimashao iyo mid dhaawac.

SOMALI NEWS

To Top