WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Mid kamid ah Wasiiradii uu Maanta Soo magacaabay Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hada is Casiley iyo Beesha uu ka soo jeedo..{Ogow}

Wasiiru dowlihii Waxbarashada xukumadii uu soo dhisay RW Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas.

C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuusan uqalmin xilkaas loo magacaabay.

Waxaa uu kasoo jeedaa beesha Daarood,Awtable, waxaana uu sheegay inaan la tashi lagala sameyn xilkaas loo magacaabay.

Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa manta magacaabay 27 Wasiir, 15 Wasiiru dowle iyo 26 wasiir ku xigeen, waxaana haatan iscasilay hal wasiiru dowle

SOMALI NEWS

To Top