WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed oo Caawa xilkii iska casilay

Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa Caawa ku dhawaaqay inuu xilka casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka haayay Maamulkaas.

Wasiir Ilyaas oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay mid la xiriirta dagaalkii khasaaraha dhaliyey ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.

DEG DEG: Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed oo Caawa xilkii iska casilay
To Top