Wasiirkii gaashaanidhigga dalka Tanzania Elias Kwandikwa ayaa geeriyooday sida uu sheegay wargeyska The Citizen eek a soo baxa dalkaas.
Elias Kwandikwa oo 55 sano jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Darussalam, inkasta oo aan wali la sheegin sababti uu u dhintay.
Elias Kwandikwa ayaa ahaa xubin ka mid ah baarlamaanka dalkaas, wuxuuna xilka Wasaaradda Gaashaandhigga qabtay 2020-ki xilligii Madaxweynihii geeriyooday ee John Magufuli.
