WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-RW Rooble oo xilka qaadis ku saneeyay Wasiirkii Amniga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waddaa in uu isbadal weyn ku sameeyo xukuumaddiisa, maadaama ay isku dhaceen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda ugu sarreeysa dalka ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka dhexeeya khilaaf siyaasadeed oo heerkii ugu xumaa taagan, kaasi oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

SOMALI NEWS

To Top