Deegaamo dhanka Koonfur 60KM ka xiga oo ay ugu weyn tahay Saaxdheer ayaa hoglo biyo dhig ah oo fiicani heleen, deegaamada ku xeeran ayaa si weyn u roobsaday sida Qudhacmaski, Geelboob, Gumburka Cagaare, Baliyo Harti iyo inta u dhaxaysa Dharnkan iyo Saaxdheer.
Dadka ku sugan Saaxdheer oo la soo xidhiidhay Horufadhi ayaa xaqiijyey jiritaanka roobka ayagoo sidoo kalena soo direy sawiro ay ka soo qaadeen , waxana roobkani yahay mid ku soo beegmay xili adag oo dad duunyadaba loo idlaanayey Haraad iyo darxumooyin kale.
