Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa uu Maanta Magacaabay saddex ka mid noqonaya golaha Wasiirada Soomaaliya,kuwaas oo xilalkooda ay banaanaayeen.
Wasiirada uu Maanta Ra’iisul Wasaare Kheyre Magacaabey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac xilkaas oo uu ka geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa loo Magacaabay Xildhibaan Sadiiq Warfaa halka Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.