WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax Is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow isgooska Ifka Xalane, jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.

Gaariga qarxay oo noociisu ahaa Layla Calaawi ayaa la tilmaamay inuu qarxay, xilli ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ay rasaas ku fureen, kadib markii gaariga uu xoog kusoo maray Bar koontarool oo ciidamada ay ku sugnaayeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxaasi, inkastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha jira, gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.

Weli laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxa, amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, waxaana mararka qaarkood ka dhaca  dilal iyo qaraxyo miinooyin ah.

DEG DEG: Qarax Is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top