WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Puntland oo kasoo horjeesatay tallaabo ay qaaday Dowladda Federaalka

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay inay kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Shidaalka

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in soo dhaweynayaan in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la raacayo Dastuurka KMG ah ee dowladda.

Puntland ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah uu noqdo mid dhisan wada xaajood iyo is afgarad dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso ku dhaqanka iyo hirgelinta  hindise sharciyeedka Batroolka ee khilaafksan dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya.

 

DEG DEG: Puntland oo kasoo horjeesatay tallaabo ay qaaday Dowladda Federaalka
To Top