Muqdisho ( HM) Madaxweynaha dalka Suudan Cumar Xasan Al-bashir ayaa xilka ka degaya kadib Banaanbaxyo iyo Kacdoon Shacab oo dalkaa ka dhacay, Waxaana la xidhay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum
Telefashinka Qaranka Suudaan ayaa sheegay in Ciidamada Military ga dalkaas ay sameyn doonaan hadal jeedin muhiim ah
Kumanaan Shacab ah ayaa isagu soo baxay banaanka hore ee Wasaarada Gaashaandhiga iyagoo dhowraya hadal jeedinta ciidanka.
Haweenka Suudaan ayaa kamid ah dadka horkacaya dibadbaxyada loogu baaqaya madaxweyne Cumar Al Bashiir inuu xilka ka dego kaddib markii 30 sanno uu xilka hayay.
Waxaa baraha bulshada lasoo geliyay haweeney Dhalin yaro ah oo hees lagu tageeray kacdoonka ka hor qaadeysay dad badan oo dhigayay dibadbaxyada.
Madaxwayne Al-bashiir haduu uu Xilka ka dego waxay ka dhigan tahay Hogaamiye Badbaadiyey dadkiisa iyo dalkiisa, Halka aynu ka ognahay wixii ka dhacay Suuriya, Liibiya Iyo Yemen oo dad iyo dalba wada Burburay.