Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan waxaa uu goordhow uga bilowday Xarunta Madaxtooyada dalka.
Kulankaan oo ay goobjoog ka yihiin Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ah mid fool ka fool la isaga horneey Farmaajo iyo Rooble oo uu ka dhexeeyo khilaaf xoogan oo Cirka isku shareeray, waxaana socota dood adeg.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii xiisada labada dhinac loo dejin lahaa, isla markaana wadahadal la furo, xal looga gaaro khilaafka jira oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil iyo xilka qaadisyo la sameeyay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli ku taagan mowqifkiisa, kuna adkeysanayo go’aamadiisa hore ee ahaa in Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA uu yahay Bashiir Goobe.
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble u dhaxeeya ayaa sababay shaqo ka joojintii lagu sameeyay Taliyihii NISA Fahad Yaasiin, waxaana Madaxweynaha uu qaaday talaabooyin uga sii daray khilaafka taagan, taa oo dalka gelisay xaalad siyaasadeed oo cakiran.