WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Jabhadda dib u xoreynta Gobalada Khaatumo oo ka si kulul uga hadashay xaalada Laascaanood-Video

Laascaanood (HM)-Jahbadda dib u xoreynta gobalada Khaatumo ee SSC ayaa ka hadashay xaalada Magaalada Laascaanood iyo xiisada ka taagan.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maamulkii hore ee Khaatumo hadana ah Afhayeenka Jabhadda dib xoreynta Gobalada ssc Axmed Maxamed Gacmayare ayaa si kulul uga hadlay xaalada gobalka sool gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo qalalaasaha ka taagan.

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA

Afhayeenkan u hadlay Jabhadda dib u xoreynta ayaa cambaareeyay wax uu ugu yeedhay falalka arxan darada ah ee ciidamada maleeshiyaadka Soomaaliland ka wadaan Laascaanood waxaana uu sheegay in maamulka Hargeysa ay ka shalaayi doonaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka, wuxuuna ku baaqay in lala dagaalamo.

Axmed Gacmayare ayaa ka tacsiyeey Dadkii ku dhintay mudaharaadka ee Soomaliland rasaasta u adeegsatay iyo kuwii horeba ayaa waxaa uu dhaliil dusha uga tuuray Culimada iyo waxgaradka Laascaanood oo uu ku sheegay kuwo ka aamusan maatada iyo bir magaydada maalin kasta Soomaliland Xasuuqa ku hayso.

Waxaa kale oo uu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka aamustay dadka deegaankan oo ah kuwo u taagan midnimada Soomaaliya isla markaana u dagaalamaya Calanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Laascaanood caawa ka imaanaya ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid caawa degan balse goor kasta la filan karo kacdoon shacab, maleeshiyadka Soomaliland gaar ahaan kuwa Miletariga ayaa guud ahaan la wareegay Magaalada Laascaanood waxaana lagu arkayaa guud ahaan magaalada iyo xaafadaha kala duwan.

dhanka kale waxaa sida naloo xaqiijiyey geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadii 5ta ahaa ee maanta rasaasta ciidanka Soomaliland haleeshay waxaana Cusbitaalka lagula tacaaalayaa 4tii ruux ee kale.

Dhanka kalena wararka aan ka helayno Xabsiga dhexe ee Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Taliska Soomaliland ay xidheen maanta in ka badan 40 ruux oo shacab ah kuwaasoo u badan Dumar iyo Carrruur waxaana wararku sheegayaan in qaar kamid ah dadkaas caawa fiidkii Xabsiga ay dib uga soo dayeen Qofkastana laga qaaday si loo siiyo xuriyada 50$ Doller halka intii kalana waalidka iyo eheladooda loosoo diiday kadib markii ay bixin waayeen Lacagtaas.

Wixii Warar ah ee kasoo kordha kala soco Horufadhi News

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top