WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Hoggaamiyaha Al-shabaab oo ka hadlay Kiiska Badda ee Soomaaliya & Kenya.

Laascaanood (HM)- AlShabaab ayaa waxay baahisay cod cusub oo ku saabsan hogaamiyaheeda, Axmed Diiriye Abu Cubeyd; codka wuxuu u muuqdaa mid dhowaan la duubay.

Codka oo soconaya 20:39 daqiiqadood ayaa waxa uu Abuu Cubeyd uu kaga weerararadii bishii July ee magaaladda Kismaayo iyo is-miidaamintii xafiiska duqa magaaladda Muqdisho.

Abuu Cubeyda ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal-qaadayaa dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha deriska ah ee Soomaaliya-Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayuu ku eedeeyay “in ay isku dayeyso qabsashadda biyaheena”, isaga intaasi raaciyey in AlShabaab ay kasoo horjeedo “xukun kasta” oo ay Maxkamada ICJ rido.

Dhageysigan gal-dacwadeedkan oo taagan tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii balse haatan maraya heer gabagabo ah ayaa waxa la bilaabi doonaa dhageysigiisa bisha Novembe 2019.

SOMALI NEWS

To Top