WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dowladda Kenya oo ka baxday Dacwada badda iyo Somalia oo ku…

Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda Soomaaliya ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kaasi oo qorshaha uu ahaa in maalinta berri ah uu dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in kiiska markii saddexaad dib loo dhigo.

Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto, iyada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya.

Si sharciga caalamiga ah qabo Soomaaliya waxay xaq u leedahay in loo xukumo Badda maaddaama dhinici kale kasoo qeyb geli waayay dacwadda waase haddii Soomaaliya dalbato in waxeeda loo xukumo.

SOMALI NEWS

To Top