WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Deni iyo Axmed Karaash oo kulan xasaasi ah ku leh Garoowe.

Garoowe (HM) – Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe een xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in haatan Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, kadib markii ismimada dhaqanku ay ku guuleysteen inay isu-keenaan Deni iyo Karaash.

Kulankan ayaa ah mid lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac, si ay xal uga gaadhaan khilaaafka xooggan ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey.

Isimada Puntland oo markasta u istaaga xalinta khilaafka Madaxda sare ee maamulkaasi ee haatan xalinta wada ayaa waxaa ka mid ah, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,  Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, kuwaas oo dhex-dhexaadinaya mas’uuliyiintaasta ugu saraysa Maamulka Puntland oo ku kala irdhoobay khilaaf ka bilowday maamulka iyo jaangoynta Madaxtooyada Garoowe.

Sida qorshuhu yahay waxaa kulanka hadda socda lagu soo afjari doonaa khilaafka hadheeyay Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey deegaanada maamulkaasi iyo guud ahaan dalka.

Khilaafka Deni iyo Karaash ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka ka soo horjeestay magacaabista Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka Madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay Madaxweyne Deni. Axmed Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi sidaas darteedna ay tahay mid waxba kama jiraana markaasoo uu khilaafku banaanka usoo baxay kadibna sii xoogeystay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaadhay heer aysan hadda Saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Horufadhi News.

Sawir hore.

SOMALI NEWS

To Top