Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalkan socda uu ka bilowday ka gadaal markii rag hubeysan oo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed kale oo ku sugnaa duleedka Matabaan, sidaasina uu ku bilowday dagaalka.
Labada dhinac ayaa waxaa la sheegay in hub culsu ay isku adeegsanayaan dagaalkaas, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas oo kasoo baxayaan warar kala duwan.
Inta la xaqiijiyay laba qof oo mid haweeney ay tahay ayaa ku dhaawacmay dagaalka u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka hubeysan oo la tilmaamay inay kasoo kala jeedan Baladweyne iyo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaliyo Colaada soo cosboonaatay, waxaana la sheegay in dagaalka uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano beeleed.