WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dagaal ka dhacay Magaalada Guriceel oo mar kale lagu dilay Taliye Ciidan

Dagaal kooban ayaa saakay mar kale Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ku dhexmaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, xili ay weli halkaas ka jirto xiisad Colaadeed.

Dagaalkan oo bilowday waaberigii hore ee saaka oo Axad ah ayaa sigaar uga dhacay halka loo yaqaano Labiga Qoryaha illaa Masjidka Weyn ee Jaamaca oo aad ugu dhow Suuqa weyn ee degmada Guriceel, waxaana inta uu socday la maqlayay rasaas xoog leh.

Madaafiic la is weydaarsaday ayaa ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee Guriceel, isla markaana waxaa Madaafiicda ka dhashay khasaaro hantiyadeed oo gaaray Isbitaalkaas, iyadoona halkaas ay isaga kala carareen shaqaalihii ku sugnaa.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalkii saaka uu ku dhintay Taliyihii Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye oo kamid ahaa Ciidanka Galmudug ee dagaalka la galay Ahlusunna.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa Isgoyska Tuulo Gaban ee dhanka Waqooyi ee Magaaladda oo saaka lagu arkay, waxay sidoo kale ku sugan yihiin Xarunta degmada, Saldhiga Booliska ilaa halka loo yaqaano Beder One.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Dagaal ka dhacay Magaalada Guriceel oo mar kale lagu dilay Taliye Ciidan
To Top