WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Muuse Biixi oo lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Somaliland-Video

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa hada si rasmiya ugu dhowaaqay in doorashadii dhowaan Qabsoontay uu ku guulsaytay Xisbiga Kulmiye.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen inuu hada laga bilaabo yahay madaxwaynaha 5-sano ee soo socota Muuse Biixi Cabdi, Halka madaxwayne ku xigeenku uu noqon doono C.raxmaan Saylici.

Horay ayay usoo baxday Natiijadu doorashadu, iyadoona maalintii shalay Warbaahintu baahisay Xogta Musharaxa Guulaystay, waxayna arintan kusoo aadaysaa iyadoo uu C.raxmaan Cirro Xalay sheegay inaanu Aqbali doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada.

Xisbiga UCID ayaa la sheegay inuu helay Codad gaadhaya : 23,141 oo u dhiganta 4.17% 
Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inuu helay codad gaadha : 305.909 – oo u dhiganta 55.19% 
Xisbiga WADANI ayaa la sheegay inuu helay Codad gaadhaya : 226,092 – oo u dhiganta 40.73%

SOMALI NEWS

To Top