WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub iyo hal Codsi oo uu Baarlamanka u diray-Video+Sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada cusub ee maanta lagu dhawaaqay.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay Wasiirada cusub, wuxuuna kula dardaarmay inay xilka u gutaan si daacadnimo ah, una adeegaan umadda Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in Golaha Wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo ka turjumaya rabitaanka shacabka, isagoo xusay in xilligan oo dalka ku jiro xaalad adag ay tahay xukuumad looga baahan yahay inay dalka iyo dadka u adeegto.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan Xukuumadda cusub, si waajibaadkeeda qaran u gudato.

Todobaadka soo socda ayuu qorshuhu yahay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu hor-geeyo Xukuumaddiisa cusub Golaha Baarlamaanka, si codka kalsoonida uga helo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top