WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Beesha Habargidir oo Go,aan lama Filaan ah ka qaadatay Golaha wasiirada cusub kuna dhawaqay war ay..-Video

Beesha Habargidir ayaa si buuxda u taageertay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mida odayaasha ugu waaweyn beeshaasi ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan xukuumadda cusub, wuxuuna sheegay inay si buuxda u taageerayaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu ku baaqay in ciddii ka hor timaada dhagaxyo lagala hortago, oo aan loo ogolaan inay carqaladeyso dowladda cusub oo u baahan in la siiyo fursad. “Waxaan idinka codsaneynaa inaan xukuumadda si buuxda oo aqlabiyad ah u taageertaan xukuumaddan, ninkii xildhibaan ah ee la arko inuu jaleeco waa in shacabku dhagaxyeeyo..” ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye.

Imaamka Beesha H/Gidir C/llaahi Khaliif Rooble ayaa isna sheegay in xukuumadda cusub howl adag u taallo ayna noqdaan kuwii kasoo baxa rajada ay shacabka ka qabaan oo abaaraha u gurmada, dadka tabaaleysanna u istaagan.

SOMALI NEWS

To Top