WARARKA SOOMAALI

DEG DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaanka Masaajid Cali Guduud

Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ah deegaan muhiim ah kana tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa si nabad ah oo dagaal la’aan ah qabsaday deegaanka Masaajid Cali Guduud oo in muddo ah ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana ay ku lahaayeen Saldhig weyn.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay inay sii socon doonaan, isla markaana ay u dhaqaaqi doonaan dhanka degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka Masaajid Cali Guduud la helayo ayaa sheegaya in xaaladda haatan ay tahay mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo deegaankaasi, maadaama laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

DEG DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaanka Masaajid Cali Guduud
To Top