WARARKA SOOMAALI

DAWO:-Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaall…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin gudaha degmada Xudur.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in inta uu socday dagaalka ay la maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, ayna khasaaro gaarsiiyeen, iyagoona weerarka ku tilmaamay in arbushaad ah.

HALKAAN KA DAAWOhttps://horufadhimedia.com/95969-2/ MUUQAALKA

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulkaas, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo kala duwan oo khasaaro geystay.

SOMALI NEWS

To Top