Beled-Xaawo (HM) – Warar goor dhow inaga soo gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland uu ka qarxay qeybo ka mid ah magaaladaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka, illaa xalay ay go’doomiyeen xerada BP1 oo ay dagan yihiin ciidamo uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).
Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Warnaahinta Gudaha u sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay madaafiic ka mid yihiin.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaafadaha qaar ay haatan gubanayaan, kadib markii ay ku dhaceen tiro hoobiyeyaal ah.
Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka taagnaa xiisado u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda oo la wareegay degmooyin ka tirsan gobolkaasi.