WARARKA SOOMAALI

Dagaal laga cabsi qabo in uu mar kale ka qarxo magaalada Beledxaawo-Video

Muqdisho (HM)-Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa lagu waramay in ay ka jirto qaybo kamid ah magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Tani ayaa ka dambeysay markii dowlada Soomaaliya ay ciidamo dheeri ku daabushay halkaas isla markaana ay ka sameysteen dhufeesyo.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in dhufeesyadda ay yihiin kuwa horleh oo aan ku yaalin barihii ay horey u joogeen.

Xiisadda ayaa si gaar ah kaga jirta Buula Xaawo, halkaasoo kamid ah meelaha ay ciidamadda dhufeesyada ka qoteen.

Daad-gureynta dowladda ee ciidamada dheeraadka ah ayaa timid kadib markii ay khadka telefoonka kuwada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, oo ku heshiiyey in xaalada la qaboojiyo.

Shacabka oo ka cabsi qaba in uu dagaal kale qarxo ayaa bilaabay in ay u qaxaan degaanada kale ee deriska la ah Mandera sidda magaalada Lamu.

HALKAN KA DAAWO

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay “isaga baxeen magaalada iyagoo ka cabsi qaba dagaalka”.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay ku dirireen Beledxaawo gaar ahaan nawaaxiga xadka Kenya, isku dhacaas oo sababay khasaaro badan.

Dagaalkaas ayaa sameeyay degmada Mandera. Tani waxay soo dedejisay in Kenya ku eedeyso Soomaaliya “xadgudub dhuleed iyo xaalad abuur”.

SOMALI NEWS

To Top