Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa koonfur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka Waajid, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay khasaaraha jira.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo la hadlay warbaaahinta ayaa u sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab looga dilay saddex xubnood, halka dhankooda ay ka geeriyoodeen Afar Askari, waxaana meydadka shabaabka la geeyay Waajid.
Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale weeraro geystay khasaaro ugu qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leyihin deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan dhinacyada ay dhexmareen dagaalo.